Dadka kunool daafaha caalamka — ayna kujiraan kuwo kunool Maraykanka -waxay
adeegsadaan daawooyin dhaqameedka si ay uga caawiyaan markay xanuunsan yihiin ama inay
caafimaadkooda udifaacdaan.
Tusaalayaasha noocyadaan daawooyin dhaqameedka ah waa kaniiniyo, kuwo budo ah, shaax
iyo maadooyinka la iskudaaweeyo ee laga sameeyay geedaha ama dhir daaweedka ee
wadankaaga ama aad kaheli karto halkaan wadanka Maraykanka.
Qaar badan oo kamid ah daawooyin dhaqameedkaas waa kuwo amaan ah oo ufiican
caafimaadkaaga, laakiin qaarkood maaha. Dhakhaatiirta iyo farmashiilayaasha kudhaqanka
dalka Maraykanku waxay kugu dhiirigalinayaan inaad cunto daawooyin dhaqameedka haddii ay
amaan yihiin.
Usheeg dhakharkaaga iyo farmashiilahaaga wixii daawoyin dhaqameed ah ee aad adigga ama
cunugaagu isticmaalaayo. Xaqiiqiyan, waa muhiim inaad daawoyinkaan uqaado marka xigta ee
aad balan laleedahay dhakhtarkaaga.
Halkaan ayaad kahelaysaa sababaha ugu wayn ee ay muhiimka utahay inaad usheegto waxa
aad qaadanayso dhakhtarkaaga ama farmashiilaha:
- Haddii aad cunayso daawooyin laguu qoray, mararka qaar daawooyinka dhaqanka ayaa
carqaladayn kara daawooyinka laguu qoray. Tani waxay keeni kartaa inaad xanuunsato
ama kadhigto daawooyinkaaga kuwo daciif ah. - Sidoo kale, haddii aad cunto cadad badan oo daawoyinka
dhaqanka ah, basbaaska, toonta ama sanjabiisha sababo laxariira
caafimaadkaaga, tani waxay sidoo kale carqaladayn kartaa
dawooyinka laguu qoray. - Mararka qaar daawooyinka dhaqanka ayaa leh maadooyin halis
ku ah jirka. Kaliya inay yihiin daawo dabiici ah kama dhigna inay
caafimaad yihiin.
Tusaale, waxaa la ogaaday in daawooyinka budada ah ee laga keeno
dalka Burma ee loo adeegsado dhibaatooyinka caloosha ay kujirto tiro
badan oo sunta macdanka iyo hubka ah. Sunta macdanka iyo hubku
waxay halis kuyihiin jirka. Budooyinka noocaan ah waxay kugu ridi
karaan xanuun waxay si gaar khatar ugu yihiin caruurta.
Haka cabsan inaad usheegto dhakhtarkaaga ama farmashiilaha arintaan. Waxay muhiim utahay
caafimaadkaaga inaad usheegto macluumaadka dhakhtarka.